====== يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَكُونُوا مَعَ الصَّادِقِينَ =====
Waligaa Kitaabka ku arki meysid meel uu Allaheen ku yiri, lacnad ayaa ku taal Qofkii Qaansiir cuna? Maya! Waayo haddii qofka baahi ama aqoon darro u geeyso, qaansiirka Allaheen kama xarimin.
Laakiin, BEENTA, oo noqotay quudka Somalida, Allaheen agtiisa waa ka xaraan. Qofkii been ku dhaqmana, LACNADDA Allah ayaa ku dhacday! 9:119 يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَكُونُوا مَعَ الصَّادِقِينَ
Amarka Allaheen na amray waa: Do not lie! Been ha Sheegin!
Dadku uma moodaan in beenlowgu yahay qof Allaheen Lacnaday.
Oo Beenlowgu la mid yahay Kaafirka iyo Daalimka.
Haddaba ogow, Beenlowgii ugu horeeyey ee la abuuray Sheydaanka ayuu ahaa, wuxu Allah u ballan qaaday, inu bani adam oo dhan duufsan doono, wax yar maahine. Allaheenna waa u ogaaladay inu sidaa sameyn karayo. oo waxa la siiyey awoodaas, laakiin waxa loo raaciyey, oo loo sheegay in Lacnadda Rabbi ku dhacday, إِنَّ عَلَيْكَ اللَّعْنَةَ إِلَى يَوْمِ الدِّينِ
Haddaba ogow, qof kasta oo beenta ku dhaqma, waa qof Sheydaan raacay waana qof lacnada Allah ku soo degto. Ifka iyo adduunba hoog iyo halaag ayaa loo balan qaaday.
Somalidu uma haysato beentu in ay wax weyn tahayba. Adduunka oo dhan ayaa maanta meel walba, been la isticmaalayaa, oo la moodayaa in aan Allah na arkeyninba. Magac been ah, qabiil been ah, kufsi iyo dil been ah, Da' iyo dhalasho been ah, Jirooyin iyo xanuun ah, Guur iyo fureen been ah, Boy-friend been ah, magan-gelyo raadis iyo qaxooti been ah, Mushaarka iyo Lacagta la haysto ama la sameeyo oo been ah, Wax ma haysto ama lacag ima soo gasho been ah, iyo kuwa kale oo badan.
Somalidii hore waxay dhihi jireen. waa baaha nahay Bakh'ti looma cuno. Waa cajiib! Waayo waaba qalad in sidaa la yiraa! Sababta oo ah
haddii aad gaajooneyso oo baahi kuu geysay, bakh'tigu waa kuu xa;aa; oo waad cuni kartaa. Laakiin meel uu Allaheen ku ogolaaday been in aad sheegtaa ma jirto, ha yaraato ama ha weynaato e!! Gaajo iyo dan ayaa ii geysay in aan been sheego, oo aan sheeko baraley ku dhaqmo, wax soconaya maaha, Allaheen agtiiisana waa ka xaaraan. Waayo Allah magaciisu waa AL-XAQ (RUN).
Haddaba, Somaliyeey dib iskugu noqo oo beenta iyo dhaarta, iyo Wa Allaahida beenta ah, ha la iska daayo. Waxa maanta nagu dhacday cadho Allah, shaki la'aan. Waxan maanta ku jirnaa waddamada iyo dadyowga ugu xun adduunka innaga oo 100% Islaam sheeganeyna. Waana ta keentay maanta in aan daafaha dunida tuugsanno nin aan "gaal" ku sheegeyno, ayada oo Allah na siiyey dhulka ugu qiimaha badan dunida. Haddiyaddii Allah nagu aaminey danbas ayaan ka dhignay oo waa duminey! Laakiin gaws-danbeedka ayaa laga soo qoslayaa oo waxa la moodayaa in Allaheen raali ka yahay camalkeenna!
Aqriso Aayadahan kale ee Quraanka ah.
Iyo Lacnadda Rabbi kuwa ay ku dhacdo:
عَرَفُوا كَفَرُوا بِهِ ۚ فَلَعْنَةُ اللَّهِ عَلَى الْكَافِرِينَ 2:89
وَإِنَّ عَلَيْكَ اللَّعْنَةَ إِلَى يَوْمِ الدِّينِ 15:35
إِنَّ اللَّهَ لَعَنَ الْكَافِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمْ سَعِيرًا 33:64
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَمَاتُوا وَهُمْ كُفَّارٌ أُولَئِكَ عَلَيْهِمْ لَعْنَةُ اللّهِ وَالْمَلآئِكَةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ 2:161
وَنَادَى أَصْحَابُ الْجَنَّةِ أَصْحَابَ النَّارِ أَن قَدْ وَجَدْنَا مَا وَعَدَنَا رَبُّنَا حَقًّا فَهَلْ وَجَدتُّم مَّا وَعَدَ رَبُّكُمْ حَقًّا قَالُواْ نَعَمْ فَأَذَّنَ مُؤَذِّنٌ بَيْنَهُمْ أَن لَّعْنَةُ اللّهِ عَلَى الظَّالِمِينَ 7:44
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَى عَلَى اللّهِ كَذِبًا أُوْلَـئِكَ يُعْرَضُونَ عَلَى رَبِّهِمْ وَيَقُولُ الْأَشْهَادُ هَـؤُلاَءِ الَّذِينَ كَذَبُواْ عَلَى رَبِّهِمْ أَلاَ لَعْنَةُ اللّهِ عَلَى الظَّالِمِينَ 11:18
فَمَنْ حَآجَّكَ فِيهِ مِن بَعْدِ مَا جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ فَقُلْ تَعَالَوْاْ نَدْعُ أَبْنَاءَنَا وَأَبْنَاءَكُمْ وَنِسَاءَنَا وَنِسَاءَكُمْ وَأَنفُسَنَا وأَنفُسَكُمْ ثُمَّ نَبْتَهِلْ فَنَجْعَل لَّعْنَتَ اللّهِ عَلَى الْكَاذِبِينَ 3:61
إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينًا 33:57