وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ حَدِيثًا Xadiiska Allah Maxaa ka fiican?
وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ حَدِيثًا Xadiiska Allah Maxaa ka fiican?
Somali: Waxaad Dhahdaa, waa kee Maragga ugu weyni? Waxa aad ku tiraa ALLAH ayaa ah Marqaati Dhexdeena, waxa ani la ii waxyooday Quraanka in aan idiinku Digo! Sura Al-Ancaam 6 Ayah 19.
English: Say, "Whose testimony is the greatest?" Say, "GOD's. He is the witness between me and you that this Quran has been inspired to me, to preach it to you and whomever it reaches. Indeed, you bear witness that there are other gods beside GOD." Say, "I do not testify as you do; there is only one god, and I disown your idolatry. 6:19
Wax kasta oo Dhulka socda, iyo baalaleey kasta oo ku duula Garbihiisu, waa ummado Idinla mid ah, Waxba kamaanu reebin Kitaabka. waxa dhamaan la wada keeni doona Rabbigooda hortiisa.
All the creatures on earth, and all the birds that fly with wings, are communities like you. We did not leave anything out of this book. To their Lord, all these creatures will be summoned. 6:38
Wax aanad Hubsan ha iska raacin oo dameer dhaan raacday ha noqonin.
And Do not Accept Anything that you have no Knowledge thereof. Quran 17:36
وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَـٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا
Ha qaadan wax aanad hubsan, oo adeegso maqalka, aragga iyo maanka. Kulligoodna mas'uul baad ka tahay inaad adeegsato!
Bal eeg wuxu yidhi ninkii la odhan jiray Galileo Galilei, oo adduunka ka tegay 4 qarni ka hor
Wuxu ahaa " natural philosopher, astronomer, and mathematician"
bartay culuunta Xisaabta, Cabire iyo Cirbixiyeen.
Wuxu yidhi:
{Waxa aan maankeyga galeynin, Allahii na siiyey, ee nagu maneystay aaladaha wax loogu kuur
galo iyo caqliga, inu doonayey in loo isticmaalin sidii loogu talo galay!)
(I do not feel obliged to believe that the same God who
has endowed us with the sense, reason, and intellect has intended us to forgo their use.
Galileo Galilei ... 15 February 1564 – 8 January 1642}
Quraankuna Muxuu leeyahay, Sura 17 Ayah 36:
And do not accept anything that you have no knowledge thereof. Indeed you have the hearing, the eyesight and the mind and you are responsible for using them.
Allaheen wuxu leeyahay, waxan ku siiyey Maqalka, Aragga iyo Caqliga. Ha iska raacin wax aanad hubsan. Qofna ha iska daba gelin wax uu sheegayo adiga oon hubsan. Xataa Rabbigii na abuuray ayaa doonaya in aan hubino oo aan xaqiijino in Quraanku Allah ka yimid. Bal u fiirso Aayaddan 4:82
Maxay Quraanka ugu fiirsan waayeen? Haddii uu ahaan lahaa midaan Allah ka iman, waxad ku dhex arki lahaydeen Khilaafaad faro badan!" 4:82
ka heli meysid wax is'khilaafsan Quraanka dhexdiisa. Iska daa khilaafaad iyo wax iska hor imanaya e, Quraanka xataa erayga Carabiga ah ee اخْتِلَافًا sidaas uu u qoran yahay, wuxu Quraanka oo dhan ku yaala mar keliya, oo aayadan oo keliyad ku arki. Waxaba laga yaaba in qof u qaato, in laga hadlayo eraygu sida uu u qoran yahay iyo xuruufta uu ka kooban yahay, oo uu baadi goobo erayga " اخْتِلَافًا , laakiin haddii xataa sidaas loo fahmo, hal mar oo keliya ayaabad ka heleysaa Quraanka sidan uu u qoran yahay. Cajiib! Wax walba waa loo kuur galay, oo la darsay.
Why do they not study the Quran carefully? If it were from other than God, they surely would have found in it many contradictions. 4:82
You will not find a single contradiction in the Quran. As we can see from verse 82, God is informing us, if the Quran came from some one other than God, you will find in it numerous contradictions. But you will not find a single. And even if you took that literally, and decided to look for the word اخْتِلَافًا the same way it was written and spelled out, you will find ONLY once in the Quran, and that is in this verse. Amazing isn't it?