وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ حَدِيثًا Xadiiska Allah Maxaa ka fiican?

  • Guriga
  • Follow the Quran Alone
  • Xadiisku Waa Quraanka
  • Tawxiidka Toosan
  • Khurufaadka Xadiiska
  • Fariimaha
  • Good Advice
  • Beentu waa Xaaraan!
  • More
    • Guriga
    • Follow the Quran Alone
    • Xadiisku Waa Quraanka
    • Tawxiidka Toosan
    • Khurufaadka Xadiiska
    • Fariimaha
    • Good Advice
    • Beentu waa Xaaraan!

  • Guriga
  • Follow the Quran Alone
  • Xadiisku Waa Quraanka
  • Tawxiidka Toosan
  • Khurufaadka Xadiiska
  • Fariimaha
  • Good Advice
  • Beentu waa Xaaraan!

Qabiilku waa Seefta Sheydaanka

Qabiilka Somalidu waa dhaqan aad iyo aad u xun


 يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ  

{O people, we created you from the same male and female, and made you into distinct peoples and communities, that you may recognize one another. The best among you in the sight of  GOD is the most righteous. GOD is Omniscient, Cognizant. 49:13}


Wax yaabaha Sheydaanku dadka ku kala qeybiyo aad ayey u fara badan yihiin.

Waxa ugu waa weynba qabiilka Somalida iyo ka Carabtu ku dhaqmaan.

Dadka Islamku, inta badan, maba fahamsana xikmadda aayadaas Quraanka ah ee kor xusan ka hadleyso.

 Aayaddani kama hadleyso Qabyaaladda Somalidu ku dhaqanto. Waxa laga hadlayaa Qoomiyado isku luqad ah, isku midab ah, oo meel gaara ka yimid ama wada dega. Bil matal, Somalida waxa Allaheen na siiyey luqad gaar iyo dhul aan degno. Somali kastana waa in markaas qabiilkiisu Somali ahaado. Laakiin qabiilka Somalidu isticmaasho, waaba waxyaabaha ugu foosha xun xun ee dadku dhaqmaan. Waxba ka gama duwana cunsurinimada lagu la kaco dad gaar ah, sida kii South Africa beri ka jiray, ee Apartheid loo yaqaanay.


Tusaale: Bil matal, haddii aad Xajka tagto, adduunka oo dhan ayaa laga yimaadaa. Xujeeydaas halka million kor u dhaafta, ee meesha joogta waxa loo kala qeybqeybiyaa, waddan waddan, ee looma kala kala qeybiyo 4.5 iyo qashinka  Somalidu ku dhaqanto. Marka aan Allaheen hor tagnana, u kala biximeyno, daaroote, Haawiye, Dirdiir, iyo Dig iyo Miririfle. Allaheen keli keli ayaanu u hor tegi doonaa  وَلَقَدْ جِئْتُمُونَا فُرَادَىٰ كَمَا خَلَقْنَاكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَتَرَكْتُم مَّا خَوَّلْنَاكُمْ وَرَاءَ ظُهُورِكُمْ ۖ وَمَا نَرَىٰ مَعَكُمْ شُفَعَاءَكُمُ الَّذِينَ زَعَمْتُمْ .


Gunaanad:


Digniin Culus: Qofka Islamka ah, ee ku dhaqma Qabiil aan aheyn ka Allaheen kaga hadlayo Quraanka, waa qof sheydaankii raacay, waana qof Allah agtiisa Nijaaso ka ah. Waa qof cunsuriyad, eexasho, qaraabo kiil, caddaalad daro, takoor, isla weyni, kibir iyo naceyb ka buuxo. 

Halaagga Somali maanta haysta waxa sababay Qurunkaas iyo iskala qeybintaas 4.5 loo bixiyey. Runta aan isku sheegno. Waxan raacnay Sheydaan, oo waxad arkeysaa qof Somaliya, oo qof kale oo Somaliya, u dilaaya waa reer Qansax dartiis. Hadda si fiican isku weydii musiibadaas una fiirso! Ha rumeysan beenta iyo khurufaadka Carabtu noo keentay. Somali Carab kama ay imaan, ee Carabta ayaaba Africa ka timid.


Maanta waa kuwaas madaxdii iyo mas'uulkii Somaliyeed ku dhaqmaya Qabyaalad nooca ugu xun ee dunida lagaga dhaqmo iyo 4.5! Masuulkii ay aheyd inu dadka u sheego xumaanta Qabiilka, ayaaba nooga sheekeynaya, oo hoggaaminaaya dhaqankaasi kufaartu xataa aanay ku dhaqmin! Walee Allaheen ciqaabtiisa waan istaahilnaa waana taa maanta nagu dhacday.



Abwaankan Gaariye ayaa Qabiilka si fiican u sifeeyey:

---------------------------------------------------------

 

Uf qabiilka anaa leh

waxan uun ku adeegta

 nin iskii kartidiisa

isagoon cid ku Tiirsan

 isku taagi kareynin

 una haysta ateero

 ayaantuu dambi geysto

laga hoos  galo eeda!!


Maxamed Gaariye.




















Go Back - Dib ugu Noqo: http://www.somali.org

  • Follow the Quran Alone
  • Khurufaadka Xadiiska

Copyright © 1998-2023 Somali.org