إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيم
Shirkigu waa Dulmi aad u Weyn
Shaqaa Ku Socota!!!! So noqo mar kale..insha Allah
Ma ku dhaqantaa Amarka ALLAH? Ma Adeecdaa Amarka ALLAH?
Ma Raacdaa Awaamiirta iyo Talooyinka hoos ku xusan?
Ogow: Allah waa kula joogaa meel kasta! Allah waa arkayaa ficilkaaga!
oo Allah waa ku Maqlayaa! Waxna kama qarin kartid.
Beenta ha ku dhaqmin فَاجْتَنِبُوا الرِّجْسَ مِنَ الْأَوْثَانِ وَاجْتَنِبُوا قَوْلَ الزُّورِ (22:30)
Jaajuus ha noqonin وَلَا تَجَسَّسُوا 49:12)
Dadka ha iska weyneyn oo ha is cajabin
فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ (53:23)
Ha is aflagaadeynina oo ha is caayina وَلَا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا بِالْأَلْقَابِ (49:11)
Waxba ha khasaarin oo ha xad dhaafin وَلاَ تُبَذِّرْ تَبْذِيرًا (17:26)
Miskiinka Quudi وَأَطْعِمُوا الْقَانِعَ وَالْمُعْتَرَّ (22:36)
Dadka ha xamanin وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا (49:12)
Dhaartaada iyo qoolka kaa dhacay oofi وَاحْفَظُواْ أَيْمَانَكُمْ (5:89)
Laaluush ka Qaadan, oo ha bixinin وَلاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ وَتُدْلُواْ بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ (2:188)
Heeshiiska aad dad kale lagashay fuli فَأَتِمُّواْ إِلَيْهِمْ عَهْدَهُمْ إِلَى مُدَّتِهِمْ إِنَّ اللّهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ (9:4)
Deji hadaad carooto, dadkana cafi وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ (3:134)
Adiga oo aan wax hubsan, hadal ha faafinوَتَقُولُونَ بِأَفْوَاهِكُم مَّا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ (24:15)
Wanaaga ka fiiri dadka (24:12)
Martida sooryee oo soo dhawee (51:24-27)
Mu'miniinta ha dhibaateynin (33:58)
Waalidkaaga baari u noqo oo ha dhibin (17:23)
Hadalka xun marka aad maqasho, ka dhaqaaq (23:3)
Dadka ha liidin oo ha yasin (49:11)
Dhulka si xasiloon u soco oo meel walba cagta ha marin (25:63)
Xumaan aad la kulanto, sidii wanaagsan ugu jawaab (41:34)
Ha sheegan, wax aanad samayneynin (62:2)
Ballaankaaga oofi, ammaanadana xeji (23:8)
Ilaahyada ama waxay dadka kale caabudaan, ha aflagaadeynin (6:108)
Dadka ha khiyaamin marka aad wax ka iibineysid (6:152)
Su'aalo aan faaiido laheyn, oo waqti lumis ah, ha ku mashquulin (5:101)
Markaad wax bixineyso gacantaada ha wada furin, hana adkeynin (25:67)
Macsida iyo faxshiga ha sameynin (53:32)
Si wanaagsan ula hadal jaahilka kana dhaqaaq (25:63)
Dar Allah wanaagga u samee, oo ha filan abaal gud adduunyo (76:9)
Dadka soo dhawee oo uga kac, haddii kac lagu yiraa (58:11)
Cadawgaagu haddii uu nabad ku baaqo, nabadda aq'bal (8:61)
Haddii lagu salaamo, salaan taasi ka fiican u celi (4:86)
Sadaqada aad bixiso, hadal xun iyo aflagaado ha ka daba geynin (2:263-264)
Maslaxadda iyo Nabadda Muminiinta hormood ka noqo (49:9)
Haddii Muslimiin dagaalamaya midkood nabadda diido, kaasi la dagaal (49:9)
Ha qaylin sida dameerka, codkaaga iyo sawaxankana yaree, oo hoos u dhig (31:19)
Naceyb aad u hayso qof kale darteed, caddaalad darro ha sameynin (6:108)
Ha iska gelin dadka guryahooda adiga oon amar haysanin (24:27)
Ha iska gelin dadka guryahooda adiga oo aan ehelkiisa salaamin (24:27)
Caadil ahaw haddii xataa ay adiga tahay ka la maxkamdeynayaa (4:135)
Si wanaagsan ula hadal xataa madaxda kufaarta (20:44)
Qofka wax yar oo qaaraan ah bixiya, ha dhaleeceynin (9:79)
Fariinta Rasuulka haka dhigin sida kuwa dhexdiina ah (24:63)
Heshiisii oo dhexdhexaadi xaaska is qaba ee dagaala (4:128)
ha hor boodina (Nebiga, ama Quraanka maanta) oo fikirkaada hoos u dhigo (49:4)
Fitnada iyo fasahaadka ayaaba ka xun dilka ee ha ku kicin falkaas(2:217)
Dadka si wanaagsan ula hadal oo ula dood (16:125)
Dadka ha ku eedeynin denbi aanad cadeyn ama 4 marqaati u haynin (24:4)
Qof nabad kuula yimid ha ku odhan Muslim ma tihid (4:94)
Amar weydiiso waalidkaaga inta aanad qolkooda gelin haddaad qaan gaar tahay (24:59)
Xumaanta wanaag kaga hor tag (41:34)
Maalka dadka ha is dhaafin oo ha iska cunin (4:29)
Fataal suuqqa xagaafa ha noqon, oo qun yar soco (31:18)
Dadka saamax, sida aad u rabto in allah ku saamaxo 24:22)
Marka aad shireysaan wanaag ka taliya oo ku showra (58:9)
Wanaagga aad dadka fareyso, adigu iska bilow (2:44)
Copyright © 1998-2021 Somali.org
Powered by: اللَّهُ وَحْدَهُ God Alone